Xog: Wasiirada Axmed Madoobe uu soo dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa iminka ku mashquulsan dhismaha xukuumada uu yeelan doono Maamulkiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu inta badan xubnaha ka mid noqon doona Golaha Wasiirada uu calaameeyay markii laga reebo ilaa 4 wasaarad oo la sheegay in Khilaaf uu ka taagan yahay qaabka loo qeybsan doono.

Xubnaha kamid noqon doona Wasiirada ayaa u badnaan doona Qurbajoog, waxaana la sheegayaa in Wasiirada KMG ah ay badi ka bixi doonaan daaqada.

Marka laga reebo seddex wasiir oo la hadal hayo in ay soo noqon doonaan kuwaasi oo kamdi ah wasiirada KMG ah.

Wasiirada la filaayo inay kasoo dhex muuqdaan Xukuumada cusub ayaa waxaa kamid ah Wasiir Maxamed Faarax Warsame Darwiish, Wasiir Macallin Maxamed iyo Ibraahim Baajuun.

Dhismaha Wasiirada cusub awgood ayuu Hogaamiye Axmed Madoobe uga baaqday Safar uu ku gaari lahaa Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Geesta kale, Wasiirada qurbajoogta ah qaarkood ayaa iminka soo gaaray Magaalaada Kismaayo, halka qaarka kalane ay soo gaari doonaan gudaha asbuuca nagu soo aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com