Siyaasiyiin ku shiray XAMAR oo soo bandhigay ajendaha 2016 iyo habka awood qeybsiga cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa in dhaweydba la hadal hayay habkii iyo hannaankii ay u dhici lahayd doorashada Soomaaliya, iyo qaabka awood qeybsiga dalka lagu saleynayo sanadda 2016-ka kadib.

Haddaba magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay kullan ay isugu yimaadeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Muqdisho, Galmudug, labada Shabelle iyo Hiiraan oo ka dooday ajendaha iyo qaabka ay tahay in awood qeybsiga Soomaaliya lagu saleeyo.

Kullankaas, ayaa waxaa laga soo saaray qodobo hordhac ah, oo ah ajendaha iyo qorshaha ay ugu tala-galeen in awood qeybsiga Soomaaliya uu noqdo iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Qodobadan, oo dhowaan loo gudbin doono beesha caalamka iyo dowladda Xasan Sheekh, ayaa waxaa si qarsoodi ah u heshay Caasimada Online, ee hoos ka aqriso.

1 – Dastuurka Soomaaliya ee hadda jira, ma noqon koro dastuur go’aan ka gaara aayaha iyo mustaqbalka umadda Soomaaliyeed, ilaa inta laga saxayo qaladaadka ku jira, kadibna loo qaadayo afti dadweyne oo lagu ansixinayo codka dadweynaha.

2 – Habka awood qeybiga Soomaaliya ee kadib 2016, waa in laga saleeyaa dastuurkii Soomaaliya ee 60-kii, ayada oo marka cod dadweyne lagu ansixiyo dastuur cusub oo Soomaalida isku raacsan tahay kadib isaga lagu dabaqi doono.

3 – Waxaan qabnaa in lasii wado hannaanka hadda wax lagu qeybsado ee 4.5, inta dastuurka hadda jira laga saxayo kadibna cod dadweyne loo qaadayo.

4 – Si kastaba, Haddii Soomaalida inteeda kale ay dan u arkaan in laga gudbo habka qabiilka, waxna lagu qeybsado nidaam goboleed, waa in laga soo xulaa xildhibinaanada cusub iyo wakiilada dowladeed, 8-dii gobol ee Soomaaliya ee waqtigii xorriyadda.

5 – Marnaba ma aqbali doonno in 18 gobol wax lagu qeybsado, sababta oo ah 18 gobol waxaa sameeyey dowlad aan haysan sharciyad dadweyne, oo xukunka ku qabsatay xoog, islamarkaana aysan shacabka raali ka ahayn, sidaa darteedna dhammaan wixii ay dowladdaas sammeysay oo 18-ka gobol ay ku jiraan waa sharci darro.

6 – Ayada oo xildhibaannada laga soo xulayo 8 gobol, haddana waa in awood qeybsiga lagu salleeyaa tirada dadka deggan gobollada, taas oo macanaheedu yahay in gobolba gobolka uu ka dad badan yahay uu ka wakiilo bato, sida caalamka oo idil isku raacsan yahay, waayo xildhibaannadu ma matalaan gobol ee waxay matalaan dad. Tusaalaha awood qeybsiga waa sidan:-

doorasho

7 – Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, oo aan wax dood ah laga galeyn. Taas macanaheedu waa in Muqdisho iyo gobolka Banaadir ay laba kala yihiin. Dadka degan Muqdisho, waxay dowladda federaalka u ogolaan doonaan hal KM oo isku wareeg ah oo ay gobolka ka degto, islamarkaana ay xafiisyadeeda ka furato, kuna shaqeyso.

8 – Dowladda federaalka wax shaqo ah kuma yeelan doonto maamulka dekedda iyo garoonka Muqdisho iyo daqliga gobolka usoo xarooda. Waxa taas yeelan doona maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu dowladda siin doonaa daqliga uu dastuurka Soomaaliya u ogol yahay, si la mid ah dhammaan gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

9 – Ma qabno in la dhiso laba aqal oo sharci-dejiyeyaal ah, sida aqalka sare ama aqalka hoose. Waxaan qabnaa in la dhiso hal aqal ama baarlamaan, si aysan dowladda iman doonta ugu adkaan in la ansixiyo sharciyada iyo ajendayaasha ay ku shaqeyneyso.

10 – Waxaan ka digeynaa damaca waalan ee qabyaaladda ku saleysan ee siyaasiyiinta qaar ay wadaan, taasi oo aan aaminsannahay in dalka ay colaad iyo kala goo go’ u horseedi karto. Waxaan qabnaa in colaad lasii huriyo ay u daran tahay un kuwa hurinaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com