DR. BAADIYOOW oo weerar ku qaaday JAWAARI

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan Macalin C/laahi (C/raxmaan Baadiyow) ayaa sheegay go’aankii Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu meesha uga saaray Jiritaanka Mooshinkii Madaxweynaha laga keenay inuu yahay go’aan Guddoomiyaha Baarlamaanka kaligiisa uusan gaarin.

C/raxmaan Baadiyow, ayaa sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya in lagu cadaadiyay go’aankiisa oo uusan kaligiisa gaarin, waxaana taasi uu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu ka dambeeyo arintaasi.

Dr. Baadiyoow wuxuu sheegay qorshaha ka dambeeyo in Guddoonka uu ku dhawaaqo in meesha laga saaray Mooshinkaasi oo wada hadal lagu xaliyo arinta inay tahay Madaxweynaha Somaliya Shirka Qaramada Midoobay in uu tago isaga oo aanan mooshin ka oolin.

“In Jawaari markaa Mooshinkii Muddo dheer haystay kuna heshiiyay Xildhibaanadii keenay in laga wada hadlo, iyadoo xaalka halkaasi uu maraayo in Jawaari uu dhaho anigaa maxkamad ah oo mooshinka go’aan ka gaaraayo, waxaan u aragnaa Guddoonka Baarlamaanka in culeys lagu saaray arintaasi oo Madaxweynaha Somaliya uu ka dambeeyo, isagoo raba Madaxweynaha in Shirka Qaramada Midoobay uu tago isaga oo Mooshinka laga laalay.” Ayuu yiri C/raxmaan Baadiyoow oo Idaacada Mustaqbal la hadlay.

Go’aanka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Jimcihii ayuu ku cadeeyay laga bilaabo 25-ka Bishan in meesha laga saaray Jiritaanka Mooshinka Madaxweynaha laga soo gudbiyay, isaga oo sheegay in 7-da Bisha October la isugu imaan doono wada hadal.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya ayaa ku gacan seeray go’aanka ka soo baxay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Somaliya, waxaana ay sheegeen Xildhibaanada inaysan aqbaleyn in Mooshinkii ay soo diyaariyeen meesha laga saaro.

Lama oga waxa uu xalka noqon doono, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka Somaliya weli uusan ka hadlin Diidmada Xildhibaanada ay ka muujiyeen in meesha laga saaro Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com