Xog: Dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Siyaasiga Cismaan Maxamed Qoox oo dhawaan kasoo laabtay booqasho uu ku bixiyay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa soo dhaweeyey shirarka  kala duwan ee ka socdo Muqdisho, kuwaas oo ay qeyb  ka yihiin waxgaradka, siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan qeybaha bulshada  ee gobolada hiiraan iyo shabeelada dhaxe.

Waxaa  uu intaas kudaray in la gaarey xilligii dadka dega labadaas gobol ay dardar galin laheeyeen  hanaanka ay kaga qayb galayaan Federaalaynta Soomaaliya.

Siyaasiga Cismaan Qoox oo la hadlayay shabakadda Caasimadda isaga oo ku sugan magaalada London ee Ingiriiska ayaa cadeeyey in shacabka sh/dhexe iyo hiiraan ay wadaagaan waxyaaba dhowr ah, sida Webiga Shabeelle, dhaqan, xoolo dhaqato iyo beeraleey, isaga oo ku taliyay in loo baahan yahay in masiirka labadan gobol lagu saleeyo aragti meel fog wax ka eegeysa, lagana fogaado caqliga sida gaaban u shaqeeya.

Sidoo kale waxa uu digniin adag u diray xubno siyaasiyiin gobolka Hiiraan kasoo jeeda ah oo doonaya inay carqalad ka dhex abuuraan beelaha walaalaha ee dega Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay gacan kageysato sidii shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ay u dhisan lahaayeen maamul xalaal ah oo ka tarjumaya rabitaanka dadka deegaanka.

Waxa uu gabagabadiina cadeeyey in midnimada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay tahay mid xambaarsan ujeeddooyin loo aayayo, mustaqbal ifayana wadata, taasi oo aan ku salaysneyn dano beel iyo kooxo gaar ah midna, dowladda federaalkana ay tahay inay ku yeelato door hoggaamineed, iyada oo tixgelineyso rabitaanka dadka deegaanka, lana waafajinayo dastuurka KMG ee dalka.

CAASIMADDA ONLINE
LONDON-UK