Xamar: Dad ku waxyeeloobay caano sumeysan

Muqdisho (Caasimada Online)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa ku dhawaad 20 ruux oo waxyeelo ay kasoo gaartay caano Sumeysan oo ay cabeen, sida ay sheegeen qaar kamid ah xubnaha qoyska oo saxaafada la hadlay.

Ku dhawaad 21 ruux ayaa waxyeelada kasoo gaartay caano loo maleynayo iney sumeysnaayeen oo ay cabeen, waxaana dadkaasi badankood ay yihiin kuwo isku qoys ah.

Qaar kamid ah ehelada qoyska oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dadka xanuuno dareemeen markii ay cabeen caanaha kadib, waxaase loo maleynayaa iney caanaha sun lahaayeen.

Haweeney si joogto ah caanaha dadkaasi ugu keeni jirtay ayaa iska fogeysay iney caanaha sun ku dartay, ayna kasoo iibisay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Aamino C/raxmaan oo kamid dadka deegaanka Sanca ee degmada Kaaraan ayaa sheegtay in qoyska ay waxyeelada soo gaartay ay cabeen caanaha loogana shakisan yahay iney sun ku jirtay caanaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com