Muhiimada Safarka wafdiga wasiirka gaashaandhiga ee Baydhaba

Warar hoose oo Caasimada Online ay ka helayso magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in wafdiga wasiirka Gaashaandhiga ee maanta gaaray magaalada Baydhaba ay la kulmi doonaan masuuliyiinta maamulka.

Waxaa wararka ay shegaya in caawa wafdiga wasiirka Gaashaandhiga ay ku hoyan doonaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,halkaasi oo maanta ay gaareen.

Waxaa wafdiga qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/qaadir Sheikh Cali Diini,xildhibaano ka soo jeeda magaalada Baydhaba iyo saraakiil kale.

Wafida ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka magaalada Baydhaba iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan magaalada Baydhaba.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa dhawaan gaaray degmooyin ay ka mid yihiin magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose,magaalada Garabahaarey ee gobolka Gedo,magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.