28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Wasiiro ka cabanaya R/W Kheyre oo is-casilaad qarka u saaran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ay qaati ka taagan yihiin wax ay ugu yeereen bahdilaadda uu kula dhaqmayao Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada ka cabanaaya nidaamka ayaa si gaara u dhaliilsan isla xisaabtanka joogtada ah iyo sida loogu koontaroolayo howlaha guud iyo kuwa gaarka ah oo ay u hayaan Qaranka, ayada oo mararka qaar ay dhacdo, sida arday oo kale, xitaa warqadahooda gaarka ah la hubiyo.

Wasiirada tabashada muujinaaya ayaa la sheegay in muddo laba jeer ah ay Ra’isul wasaaraha ka dalbadeen inuu u madaxbaneeyo howlaha qaar, hayeeshee waxaa arrintaasi diiday Kheyre.

Wasiirada ayaan diidaneyn isla xisaabtan, hase yeeshee waxay Kheyre ku dhaliileen inuu sida caruur oo kale ula dhaqmo, ayna la yaabeen wax ay ugu yeeren “jahli ka muuqda”

“Wasiir, sida arday oo kale, xitaa buugaagtiisa iyo qoraaladiisa shaqsiga la hubinayo dunida kama dhicin” Waxaa sidaas yiri qof codsaday inaan la magacaabin oo kaaliye wasiir uu naga codsaday inaynan magacaabin.

Tallaabooyinka ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dad badan waxay ku qeexeen ka bad-badis iyo tus-tus, ayada oo illaa iyo hadda aysan muuqan wax la taaban karo oo uu qabtay tan iyo markii la magacaabay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News