Xog: Xaaf oo is hortaag ku sameeyay Safar uu ku xigeenkiisa geli lahaa

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxtooyada maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu is hortaag ku sameeyay Safar uu ku-xigeenkiisa ku gaari lahaa magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle, ayaa is hortaaga Safarka ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey u adeegsaday Saraakiil ka howlgasha Garoonka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Garoonka ayaa Maxamed Xaashi Carabeey u diiday inuu ka dhoofo magaalada Cadaado xili uu kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha.

Saraakiisha ayaa ciidamada ku amray inaan lasii deynkarin Hogaamiye ku-xigeenka maamulka, iyadoo baajinta Safarkiisa aan la ogeyn sababta ka danbeysay.

Ishor istaagaan lagu sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ku soo aadaya xili uu jiro khilaaf kala dhexeeya Hogaamiyaha maamulka Xaaf.

Khilaafka sababay in loo baajiyo Safarka Carabeeye ee magaalada Muqdisho, ayaa ah mid salka ku haya arrimaha Khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf ayaa asbuucii tagay sheegay in maamulkiisa uu taageersan yahay Xulafada Sacuudiga.

 

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com