Xog: Xagee ku dambeeyaa Jeneraal Saadaq Joon? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon, islamarkaana Isniintii xilka laga qaaday ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. 

Saacado kadib markii uu hadlay ayaa laga qaaday xilka waxaana durba soo baxayay warar sheegaya in uu u baxay dalka Jabuuti, halka warar kalane ay tilmaamayeen in uu galay xerada Xalane, balse labadaas warba waa waxba kama jiraan.

Caasimada Online ayaa xaqiijisay in Janaraal Saadaq Joon uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 

Saadaq Joon waxaa la jooga ciidan iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, kuwaas oo u go’ay xagiisa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in uu heesto ciidan ku filan iyo gaadiid dagaal islamarkaana aysan jirin cid isku dayday qalqal gelinta amnigiisa. 

Saraakiil ciidan oo ka agdhow Saadaq Joon iyo siyaasiin kale oo ehelkiisa ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaraal Saadaq uu dastuurka u ogolyahay in uu kamid noqdo siyaasiinta islamarkaana saraakiisha ciidanka haddii ay mar gaaraan darajooyin sare ay siyaasadda ku biiri karaan. 

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), sidoo kale guud ahaan xuquuqdiisii ciidanimo ayuu ka xayuubiyey.

Saadaq Cumar Xasan ayaa hore u ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee go’aankii uu qaatay Isniintii ayaa muujiyey in siyaasaddu aysan lahayn saaxiib joogto ah oo ay leedahay dan joogto ah.