Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadka soo socda, gaar ahaan Arbacada u ballansan ansixinta wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka KMG ah, oo weli ay ka taagan tahay khilaaf siyaasadeed.
Qorshahan ayaa la filayaa in isla maalinta la ansixiyo uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn u riixayay dhammaystirka Dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya qorshahan, inkastoo ay diidan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo ku baaqaya in dib loo dhigo dhammaystirka Dastuurka loona gudbo doorasho dadban.
Dastuurka la dhameystirayo ayaa jideynaya in shacabka ay si toos ah u soo doortaan wakiillada deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, halka xildhibaannada la soo doortay ay dooranayaan maayarrada, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo madaxweynaha qaranka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah mucaaradka ugu xooggan ee dalka xilligan mar horeba way qaadaceen wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada qof iyo cod ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xubnahan ayaa lasoo warinaya in Jimcaha berri ah ay qabanayaan kulan wayn oo magaalada Muqdisho ka dhacaya, kaas oo ay ku muujinayaan mowqifkooda.
Xilligan, doodda ugu weyn waxay ka taagan tahay doorashada dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfurta Galbeed oo iyagu ka aamusan ismari-waaga Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo madaxooda ku muransan.
Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, xilli ay burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari waayay qodobada ay isku hayeen labada dhinac.
Golaha Mustaqbalka ayaa xudunta is-mari-waaga iyo kala aragti-duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aas-aaska sharciga ee dalka u degsan, wax ka beddelkiisuna uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay. Halka dhanka kale ay dowladdu ku adkeysatay in aysan cidna u joojin doonin wax ka beddelka dastuurka, isla markaana ay sii wadi doonto.
Arrinta kale ee fashilka keentay ayaa iyaduna ah in goluhu ku adkeystay qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo sida uu dhigayo dastuurka dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Halka dowladdu iyaduna dooneysay in doorashooyinka saddexda maamul-goboleed lagu qabto sharciyad iyo habraacyo ku saleysan dastuurka wax ka beddelkiisa la isku hayo ee dhameystirayso, taas oo ugu dambeyn sababtay in wada-xaajoodka lagu kala tago.

