XOG: XASAN oo dhulka Soomaali galbeed u xalaaleeyey ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xal u heshey wel wel ay ka qabtay in dowladda Soomaaliya ay dib u sheegato dhulka Soomaali galbeed ee ay Itoobiya xoogga kaga haysato Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo booqdey dhawaan magaalada Jigjiga ee xarunta deegaanada Soomaalida ee ay Itoobiya siiyeen gumaystayaashii Ingiriiska haatan la yiraahdo kilinka shanaad ama dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u sheegay qaybaha bulshada Soomaaliyeed inay iska ilaawaan wax la yiraahdo shantii Soomaaliyeed, iyaguna ay ogaadaan in dhulkoodu yahay Itoobiya oo ay tahay inay xaqiiqdaas wax kula qabsadaan.

Hadalka Madaxweynaha ee ah in dhulkaasi uu yahay dhul Itoobiya ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay Soomaali badan oo halkaas ku nool oo xoog lagu muquuniyo, kuwaasi oo aan ku faraxsanayn nidaamka Itoobiya ee qasabka lagu hoos geeyey.

Madaxweyne Xasan hadalkiisa waxa uu meesha ka saaraya in xitaa qariirad ahaan dhulkaas si rasmi loogu qoro Itoobiya, iyada oo maanta uu yahay dhul xuduud ahaanshihiisa lagu muransan yahay oo ay tahay in xal ay ka wada gaaraan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com