Xog: Xasan oo ku guuleystay inuu hor-istaago qorshe ay wadday Villa SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka, ayaa qaaday talaabooyin waxgal ah, kuwaas oo sababay in dowladda Soomaaliya ka laabato go’aankii ay ku saxiixi rabtay xaraashka shidaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la hadlay madaxda Shirkadaha isku dayay in ay heshiiskaas galaan iyo sidoo kale dowladaha laga leeyahay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la hadlay wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, Bankiga Adduunka iyo IMF, isaga oo u sheegay in haddii heshiiskaas la saxiixo uu dhankooda ka saameyn karo maadaama Soomaaliya ay wali ku jirto hanaan deen cafin ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu dambeyn uu mira dhalay dadaalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku diidanaa heshiiska Shidaalka Soomaaliya, kaas oo halis weyn ku ah dalka xiligaan la joogo, islamarkaana shirkadahan ay ka laabteen.

Heshiiskan ayaa la aaminsan yahay in dowladda ay ka heli laheyd malaayiin lacag ah oo ay ku gasho doorashada Soomaaliya. Ceelashaan shidaalka ayaa laga qodi rabay xeebaha magaalooyinka Hobyo iyo Baraawe waxaana heshiiskaas uu la damacsanaa in la saxiixo Isniintii toddobaadkaan.