Al-Shabaab iyo shacab uu dhex-maray dagaal culus

Bacaadweyn (Caasimadda Online) – Deegaanka Bacaadweyn ee ka tirsan gobolka Mudug waxaa xalay ku dagaalamay dadka deegaaka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weerar soo qaaday.

Sida ay sheegayaan wararka halkaas ka imaanaya, xiisadda ayaa timid kadib markii ay deegaano hoos yimaada Bacaadweyn isku aruursadeen dhalinyaro kasoo horjeeda dagaalyahanada Al-Shabaab.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac iyo dadka shacabka ah, hadana dadka deegaanka oo Caasimadda Online la hadlay waxey sheegeen iney barakaceen iyadoo ay maqlayeen daryanka madaafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

Dadka deegaanka Bacaadweyn iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhawr jeer horay u dagaallamay kadib markii ay dadka ka dhaga-fureysteen amarada bixinta lacago ay weydiisteen dagaalyahanada.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waa kuwa ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana dhacay dhawr dagaal oo ay dadka deegaanada qaar kaga hor yimaadeen, waxaana ugu badan gobollada dhexe.