Israel oo war kasoo saartay dabintii la sheegay inay u dhigtay madaxweyne Trump

Tel Aviv (Caasimada Online) – Sarkaal Israeli ah ayaa ku gacan seeray oo “wax aan macno laheyn” ku qeexay hadal kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Iran oo sheegay in Israel ay isku dayeyso inay Mareykanka ku qiyaameyso dagaal uu la galo iran.

Israel ayaa aheyd midd u baahan inay ka feejignaato weerar ay suurta-gal tahay in Iran ay qaado sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Qassem Soleimani, oo Mareykanka ay sanad ku hor ku dileen weerar drone ah, waxaa sidaas raadiyaha Kan u sheegay wasiirka tamarta Israel, Yuval Steinitz.

Washington ayaa maleeshiyada Iran ay taageerto ku eedeysa weeraro joogto ah oo lagu qaado xarumaha Mareykanka eee Iraq, oo ay ka mid tahay safaaradda Mareykanka. Si kastaba, ma jirto koox la ogyahay inay Iran taageerto oo sheegatay mas’uuliyadda.

Sabtidii, Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ku booriyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuusan ku dhicin “dabinta” qorshe uu tuhusan yahay in Israel ay ku billaabeyso dagaal, ayada oo weerareysa ciidamada Mareykanka ee jooga Iraq.

“Warbixino sirdoon oo cusub oo ka imanaya Iraq ayaa sheegaya in wakiilo Israeli ah ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Mareykanka, taasi oo madaxweyne Trump siineysa cudur-daar uu dagaal ku billaabo,” waxaa sidaas yiri Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Ka feejignow dabintan, Trump, rasaas kasta si xun ayey dib ugu soo laaban doontaa,” ayuu yiri Zarif.

Steinitz ayaa sheeegay in hadallada Zarif ay muujiyeen in Iran, kadib cunaqabteeno xooggan oo Mareykanka uu saaray sababo la xiriira barnaamijkeeda Nukliyeerka, aj wajaheyso cadaadiis xooggan, gaar ahaan cadaadis dhaqaale iyo mid amni qaran.

“Waa maqalnaa macno darrada Zarif ee ah in Iran ay billaabeyso weerar argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka – Tani xaqiiqdii waa nacasnimo dhameystiran,” ayuu Steinitz u sheegay Kan Radio.

“Hase yeeshee dhinaca kale, waa astaan diginin ah – Digniin ah in Iran ay beegsaneyso Israel, ayna raadineyso cudurdaar ay ku weerarto Israel, sidaas darteed waxaan u baahannahay inaan sida ugu weyn u feejignaano,” ayuu yiri.

Reuters