Waa maxay ujeedka safarka uu madaxweyne Guudlaawe ku yimid MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu soo gaaro caasimadda tan iyo doorashadii uu kusoo baxay ee ka dhacday Jowhar.

11-kii November 2020 ayey aheyd markii loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, balse caqabado badan ayaa ku hor gudban, maadaama qaar ka tirsan deegaanadiisa laga diiday doorashadii uu ku guuleystay.

Caasimadda Online waxey heshay xog ku saabsan safarka uu Cali Cabdullaahi Xuseen ku yimid magaalada Muqdisho, taasoo laba qeyb loo kala saaray, walow hal qeyb ay tahay tan ugu weyn ee keentay caasimadda.

Xogta aan helnay waxey sheegeysaa in madaxda dowladda dhexe ay u yeertay si ay uga wada xaajoodaan caqabadaha hortaagan xukuumadiisa lagu dhisay Jowhar, maadaama laga diiday gobolka Hiiraan.

Inkastoo uusan miisaan badan ku laheyn arrimaha doorashooyinka, isla markaana guddiga doorashooyinka ee Hirshabelle uu magacaabay madaxweynahii ka horreeyay, hadana waxaa la sheegayaa inuu kulamo la qaadan doono madaxweyne Farmaajo, xildhibaanada labada aqal ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabelle iyo sidoo kale qaar ka tirsan Beesha Caalamka si uu u xoojiyo arrimaah doorashooyinka looga hadlaayo.

Doorashooyinka wali waxaa ku gudban waxyaabo badan wakhtigana wuu sii dhamaanayaa iyadoo madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu kaga haray 30 maalmood.