Hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay weerar lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in 7-dii bishan ay weerar duqeyn ah ka fuliyeen deegaanka Saaxa Weyne ee gobolka Baay.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeyn horudhac ah ay muujienyso in duqeynta ay ku dhinteen shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal bartilmaameedku ahaa.

AFRICOM ayaa intaas ku jartay in illaa iyo hadda aysan jirin dad shacab ah oo la ogyahay in duqeyntaas ay waxyeelo kasoo gaartay.

“Weerarka waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal Shabaab ah oo la yaqaan, kuwaas oo fududeeyey maal-gelinta, hubka, dagaal-yahanada iyo qaraxyada. Mid ka mid ah wuxuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida,” waxaa sidaas yiri General Dagvin Anderson oo ka tirsan AFRICOM.

“Inaan sii wadno kala dhantaalka Al-Shabaab annaga oo adeegsaneyna weeraro joogto ah, waxay muujineysaa inaan weli sii wadno ballan-qaadyada aan u sameynay saaxiibadeena,” ayuu yiri.

Weerarkii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.