Fursadda ay heshay Kenya ma u isticmaali kartaa inay ku beegsato Soomaaliya?

Jimcihii January 2, 2021 waxaa si rasmi ah u bilaabmay muddadii labada sanadood ahayd (2021-2022) ee Kenya ay xubin aan joogto ahayn ka noqon lahayd Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (QM). Kenya waxay June 18, 2020 kaga guuleysatay Jabuuti hal cod ka kor tirada ugu hooseysa ee laga doonayay in xubin hesho, taas oo u dhiganta saddex dalool labo meel codka 193 dal oo xubin ka ah QM.

Golaha Amniga QM waa madal culus oo dhinacyo badan leh oo awoodaheedu ay ka mid yihiin howlaha nabad ilaalinta iyo cunaqabateynta caalamiga ah. Goluhu waxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo 5 ka mid ah ay yihiin xubno joogta ah oo leh diidmada qayaxan ee “Veto.” Halka 10 xubnood oo kale loo qaybiyay qaaradaha addunka, sanadwalbana 5 ka mid ah loo tartamo.

Kenya inay mar seddexaad ku fariisato kursiga Golaha Amniga QM kuma imaan aqbal calaami ah, oggolaasho mug leh oo ay kala timid dalalka Midowga Afrika, amase kalsooni gaar ah oo ay ka haysato gobolka Geeska iyo Bariga Afrika.

Haddaba su’aashu waxay tahay Kenya ma waxay mudnaanta siin doontaa siyaasadeeda cadaawaada leh ee ka turjumeyso danaheeda gaarka ah mise waxay u tanaasuli doontaa hormarinta nabadda iyo amniga gobolka?

Dunida ma mooga in Kenya ay carqalad ku tahay xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya. Shirkii IGAD waxaa lagu soo bandhigay inay si joogta ah ugu xadgudubto Axdiga QM iyo kan Midowga Afrika. October 2011, Kenya ciidamadeedu waxay xoog ku soo galeen gayiga Soomaaliya. Markii Golaha Amniga ee QM ku dareen AMISOM waxay muujisay dhaqan horror ah oo ilaa maanta ay cawaaqibteeda taagan tahay.

Dhaqanka Kenya ma cusba, balse sagaal sanadood kaddib December 15, 2020 in Soomaaliya ay xidhiidhkii diblomaasiyadda u jarto waxay kashiftay wajiga foosha xun ee ay ku wajahayso Muqdisho iyadoo weliba ka mid ah ciidamada AMISOM. 

Waxaa hubaal ah in Kenya lagu tijaabin doono in madasha Golaha Amniga aysan u beddelin masrax siyaasadeed oo ay siyaasiyiinteedu ku ciyaaraan munaafaqnimo si ay u luggooyaan dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya. 

Sidaas daraadeed, waxaa laga filayaa Kenya inay ugu yaraan daahfurnaan dheeri ah ku gudato waajibaadkeeda, gaar ahaan hawlaha cunaqabataynta Soomaaliya. Dhalanteedka ah in Muqdisho lagu bahdilo cunaqabatayn aan xaq ahayn amase lagu laqdabeyo qarannimadeedu siyaasiyiin caada-qaatayaal ah waa wax aan miro waxtar leh u dhali doonin labada dal ee dariska ah. Kenya ha filato inay had iyo jeer ka heli doonto Soomaaliya inta ay gashato.

Caabuqa safmareenka ah iyo hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka waxay muujiyeen in dowlad qur ah aysan si wax ku ool ah uga gudbi karin dhibaatooyinkaas, iskaashiga dhinacyada bandanna uu yahay lagama maarmaan. Sanadkan 2021, waxuu noqon karaa sanadkii is-ixtiraamka iyo xasillinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya. Caabuqa Covid-19 waxuu soo bandhigay fursad lama filaan ah oo labada dal laga filan karaa inay ku xallin karaan caqabadaha horyaal. 

Haddii fursaddani ay lunto oo ay Kenya joojin waydo siyaasadda cadaawaha ah ee soo noqnoqanaya, markaas Soomaaliya uma dulqaadan doonto ku xadgudubyada sharciga caalamiga ah, waxayna diyaar u tahay in wixii aysan aqbali karin uga jawaabto go’aamo adag oo calaami ah. 

Shacbiga walaalaha ah waxay rajaynyaan in xubinnimada Golaha Amniga ee Kenya ay ka dhex abuurto labada dal ee dariska ah kalsooni si loo xalliyo caqabadda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni. Waxa madaxda Kenya laga rajaynayaa waa is-faham iyo is-qaddarin si wax loo qabto xiisadaha salka ku haya faraggelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid