Ansixinta 12 safiir oo cusub oo maanta dood qabiil ka dhex abuurtay G/Wasiirrada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa maanta la hor geeyey liiska 12-safiir, si looga ansixiyo golaha, balse dood adag ayaa ka dhalatay xubnihii ku qornaa liiskaas oo la sheegay inay u badnaayeen hal beel.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa golaha hor keenay liiska ay ku qornaayeen magacyada 12-kaas xubnood si wasiirrada looga ansixiyo safiirnimadooda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha ku jira golaha wasiirrada ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag uga hor yimaadeen in cod loo qaado xubnahaas, iyagoo ku dooday in magacaabidooda aan la waafajin nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa soo jeedin magacaabis Danjireyaal ka howl geli doona dibadda, si loo dhameystiro danaha Diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka, Mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsanayaa in laga ansixiyo golaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibadu ku dalbaneysay in loo ansixiyo xubnaha loo waday danjireyaasha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir guddoominayey kulankii maanta ayaa go’aamiyey in wasiirka arrimaha dibedda uu dib ula laabto liiska xubnahaas ay ansixintoodu dooda ka dhex abuurtay golaha, isla markaana lasoo waafayo hanaanka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

12-ka xubnood ee liiskooda dib loo celiyey ayaa kala ah,

1 – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir
2 – Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyr
3 –Abshir Xasan Abshir oo ah wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka
4 – Liibaan Sheekh Mohomud
5 –Cabdullahi Axmed Jomo
6 – Ilyaas Sheekh Cumar Abuukar
7 –Xasan Cabdi Daa’uud
8 –Sahro Xasan
9 –Saalim Moo Hagi
10 –Cali Maxamed Maxamuud
11 –Yoonis Yaasiin Xaashi
12 – Cilmi Faarax Nuur

Xubnahaan ayaa la sheegay inay u badanyihiin hal beel, taas oo dhalisay dooda ah in magacaabidooda aan la waafajin nidaamka awood qeybsiga dalka ee afar dhibic shan (4.5).