Xog: Xasan Sheekh oo Aaran Jaan siinaya xubnaha Puntland ee guddiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in dhowaan la magacaabo Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha qaranka, ayaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu wadaa in xubnaha Puntland ee guddiga ay siiso kooxda Aaran Jaan ee aan kalsoonida shacabka Puntland haysan.

Guddiga oo ka kooban 18 xubnood, ayaa shanta beel waxay u kala heli doonaan, afarta beel ee Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle oo min afar xubnood ah, halka beesha shanaad la siin doono 2 xubnood.

Dowladda Federaalka ayaa soo magacaabi doonta laba xubnood beeshiiba, halka maamul goboleedyada ay soo magacaabi doonaan 2 xubnood. Hase yeeshee, Puntland oo ay is-hayaan dowladda federaalka ayaan la fileyn inay magacaabis sameyso, maadaama ay diidan tahay habka loo wado hanaanka doorashooyinka.

Arrintan ayaa fursad u siisnaysa dowladda federaalka in ay soo magacowdo 2-da xubnood ee Puntland, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in labadaas xubnood ay noqon doonaan Saadaq Abshir Garaad, oo horey uga tirsanaa baarlamanka Puntland, iyo Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ah xubno fir fircoon oo ka tirsan Aaran Jaan, sidoo kalena soo noqday agaasimaha wasaaradda caafimaadka Puntland.

“Xasan Sheekh waxa uu qaadayaa waddadi uu ku dhuman lahaa shacabka Puntland iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda Saciid Deni, kadib markii loo soo xulay xubno Aaran Jaan ah inay noqdaan labadii xubnood ee uu soo xuli lahaa dawlad goboleedka Puntland,” ayuu yiri Jamac Ali Garaad oo la hadlay Caasimada Online.

Guddigan ayaa waxaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo wasiirka arrimaha gudaha ayada oo kadibna la horgeyn doono golaha wasiirada iyo labada aqal ee baarlamanka si ay u ansixiyaan.