Xog: XASAN SHEEKH oo ku biiray dadaallo ay wadaan beelaha Abgaal iyo Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku biiray dedaallada uu wado Madaxweynihii ka horreeyay ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ku aadan dhameynta xiisadda HirShabeelle.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay qeyb ka ahaa wadatashiyo ka socday Muqdisho, kuwaas oo dhaxmaray siyaasiin ka soo kala jeeda laba beel ee Abgaal iyo Xawaadle oo ku aadanaa maamulka HirShabelle. 

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda socda ayaa ah in marka hore laga hadlo sidii ay doorashada Beladweyne u qabsoomi laheyd iyadoo aan buuq dhicin, islamarkaana looga balami lahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka kale ee ka dhashay dhismaha HirShabelle. 

Dedaalo xoog leh ayaa ka socda Muqdisho kuwaasoo ku wajahan doorashada ka dhacaysa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. 

Beladweyne waxaa yaala kuraasta ugu badan markii loo eego xubnaha ka imaanaya dhinaca HirShabelle waxaana lagu soo dooran doonaa 25 Xildhibaan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan maleeshiyo uu hoggaamiyo Jeneral Xuud oo wacad ku maray inaan doorashada xildhibaanada gobolka shacabka aan lagu qaban doonin magaalada, oo ay gadaal kaga hortagi doonaan.

Isku dayga socda ayaa ah in xal laga gaaro xiisaddan kahor doorashada, si loo hubiyo inay ku dhacdo hab nabdoon, kadib markii ay fashilmeen isku day la rabo in doorashada loogu soo kobo magaalada Jowhar oo kaliya.