24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

XOG: Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro magaalada Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu maanta gaari doono magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa la xaqiijiyay in safarkiisa ay ku wehlin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga ololihiisa u qaabilsan.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololaha Doorashada waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu kala hadli doono laba qodob oo salka ku haya ololaha Doorashada.

Qodobada uu Xasan Sheekh kala hadli doono Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ah in Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu doortay Kismaayo kalsooni looga raadiyo, halka qodobka labaad uu noqon doono hadalkii dhawaan kasoo yeeray Cumar C/rashiid ee lagu weeraray Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa in mudada uu ku sugan yahay Kismaayo kulan la qaato Xildhibaanada dhawaan lagu doortay Kismaayo si uu u kala furfuro xargihii uu dhawaan isku xirxiray Cumar C/rashiid.

Sidoo kale, Safarka Xasan Sheekh waxa uu imaanayaa iyadoo magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Musharaxiin dhowr ah oo kasoo horjeeda Siyaasada Xasan Sheekh.

Lama oga sida Xassan Sheekh uu Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Cusub uga dhaadhicin doono fekerkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News