Boosaaso (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay ayaa lagu soo rogay amaro cusub.
Taliska ciidamada booliska ee Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan in hubka iyo ciidamada aan lala geli karin garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Balse taliska ayaa seddexda masuul ee ugu sareyso maamulka Puntland u ogolaaday iney hubkooda iyo ciidamadooda la galaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Taliyaha ciidamada booliska Puntland C.Qaadir Faarax Shire ayaa sheegay in mamnuuc tahay in ciidamo lala galaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Faarax Shire ayaa sheegay in uusan Aqbali doonin cid aan aheyn Madaxweynaha ,Madaxweyne kuxigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka in ay hub la galaan Garoonka Boosaaso.
Waxaa uu sheegay in wareegto ay horay usoo saareen ay ku mamnuuceen in garoonka Hub lala galo.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

