Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur galbeed, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo lagu soo gabagabeynaayo Doorashada Aqalka Hoose ee waayadaani ka soctay magaalada Baydhabo.
Hoolka ay Doorashada ka socto ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin dhowr ah oo lagu wado inay ka qeybgali doonaan Doorashada maanta halkaasi ka dhici doonto taa oo lagu soo afmeeri doono gabi ahaan Doorashada Aqalka Hoose ee Koonfur galbeed.
Guddiyada doorashooyinka heer Maamul goboleed Mursal ayaa xaqiijiyay in Doorashada ay maanta soo idlaan doonto, waxa uuna cadeeyay in Doorashada ay aheyd mid xiisa badan.
Goddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Cumar Dhagey, ayaa lagu wadaa inuu ka qeybqaadan doono munaasabada lagu soo xiri doono Doorashada Aqalka Hoose.
Dhinaca kale, Doorashada ayaa waxaa la filayaa inay maanta ka dhacdo magaalada Baydhabo taa oo noqon doonta tii ugu danbeysay.
Maamulka Jubbaland ayaa noqonaaya Maamulka Koowaad ee kasoo jeestay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

