Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Degmada ay wali ku jirto gacanta maleeshiyaadka Daacishta Somalia.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa hadda ku sugan banaanka sare ee Degmada, waxaana jira ciidamo aad u farabadan oo dhanka Badda kasoo weeraray Degmada.
Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye ayaa beeniyay in ciidamada Puntland ay qabsadeen Degmada Qandala, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay in ciidamada ay kaabiga ku hayaan Degmada.
Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay ineysan weli qabsan degmada Qandala oo ay kaabi ku hayaan, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ugu badan ay duulaanka kasoo qaadi doonaan dhanka Badda.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamadda Puntland ay hadda ku sugan yihiin Meel u dhexaysay degmadda Qandala iyo Toga afbashaashin oo doraad dagaal ku dhexmaray.
”Waxaa isoo gaaraya inay jiraan Saraakiil iyo idaacado faafinaaya in ciidamadu ay dib u qabsadeen Degmada Qandala waa warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin ciidamadu waxa ay ku sugan yihiin Badda iyo banaanka sare ee Degmada”
Degmada Qandala ayaa wali ku jirta gacanta maleeshiyaadka Daacishta Somalia, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal aad u xoogan.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

