Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo dagaalo waxyeelo badan geystay ku dhexmareen ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa laga sameeyay arin aad loola dhacay.
Gudoomiyaasha gobolka Mudug ee labada maamul ayaa shalay gelinkii dambe isdhex gal bulsho ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo dad badan la dhaceen.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sameeyay talaabo cusub kadib markii shalay gelinkii dambe uu sheegay inuu ku shaqeynayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo Puntland maamusho.
Shacabka magaalada ayaa aad ula dhacay talaabada ay qaadeen madaxda labada maamul iyo gudiga dib u hishiisiinta magaalada Gaalkacyo.


