27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sheekh Bashiir oo la aamusi waayay waxyaabaha ka taagan Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ay ka dhacaan dilal kala duwan ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir, ayaa sheegay in Dowlada Somalia looga baahan yahay in gacanbir ah ay kusoo dhigto dadka dilalka foosha xun ka geysta magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Sheekh Bashiir waxa uu sheegay inay sii kordhayaan dadka shacabka laaya misna ku dila toogashada, waxa uuna sheegay in Dowlada Somalia looga baahan yahay inay go’aan ka qaadato dadka noocaasi ah.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho habeen iyo maalin walba lagu dilo dad ,islamarkaana la sheego in ay baxsadeen kooxihii dilka geystay , sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay soo qabato dadkaasi.

Sheekh Bashiir, waxa uu sheegay in dilalka qaar ay geystaan Ciidamada Dowlada, waxa uuna Dowlada ka dalbaday in wax laga qabto ciidamada gumaadaya dadka shacabka ah.

Dhinaca kale, Sheekh Bashiir wuxuu sheegay in dilalka xoogooda ay geystaan Ciidamada Dowlada waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in Dowlada ay wax ka qaban weyso dilalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News