Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya cadadka Mas’uuliyiinta lagu eedeynaayo in dhaqaale culus ay u adeegsaden kamid noqoshada Aqalka Sare ee dalka.
Mas’uuliyiinta kamidka noqday Aqalka Sare ee dhaqaalaha ku indha sarcaadiyay Ergooyinka ayaa waxaa kamid ah Abshir Bukhaari oo noqday shaqsigii ugu horeeyay ee ku guuleystay kamid noqoshada Xubnaha Aqalka Sare ee lagu doortay Magaalada Cadaado.
Ilo ku dhow dhow Abshir Bukhaari, ayaa xaqiijiyay in Kursiga Aqalka Sare uu ku iibsaday 800,000 oo dollarka mareykanka ah.
Abshir Bukhaari, ayaa dhaqaalahaasi ku bixiyay Ergooyinka, Xubno kamid ah Guddiga Doorashooyinka iyo shaqsiyaad kala shaqeynaayay Doorashadiisa.
Inta ugu badan dhaqaalahaani ayaa waxaa lagu bixiyay Ergooyinka oo si aan caadi aheyn loo siiyay dhaqaalaha, iyadoo u jeedka laga lahaa uu ahaa in Abshir Bukhaari uu kusoo baxo Doorashada.
Abshir Bukhaari, ayaa bixinta dhaqaalahaasi ka daba dhawaa mas’uul kale oo iminka kamid noqday Aqalka Sare, kaasi oo bixiyay dhaqaale dhan 1 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Si kastaba ha noqotee, Abshir Bukhaari ayaa dhaqaalahaasi ka helay Hay’addo caalami ah kuwaasi oo ka qeybqaata howlaha Saxaafadda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

