Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow gaarey Magaalada Baydhabo, ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan ayaa waxaa kamid ah Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhobo, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay la xiriirto fududeynta caqabadaha hor taagan in la soo dhiso Golaha baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed xili sabtidii la soo dhaafay qorshuhu ahaa in la magacaabo.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kala duwan kula qaato Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Odayaasha Beelaha ku muransan dhismaha Baarlamaanka Cusub, waxaana la filayaa in wakhtiga yar ee uu halkaasi joogi doono uu xal u raadin doono Khilaafkaasi.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa cadaadis xoogan iminka ku hayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo IGAD ka jooga Somalia, waxa uuna Ujeedku yahay inuu xal ka gaaro Khilaafaadka Baydhabo ee walaaca abuuray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com