Xog: Xeeladii Farmaajo iyo Kheyre ku dhinac mareen sharciyada xaaladda deg degga ah ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa adeegsatay xeelad ay uga gudubto sharciyada ku hareereersan xaaladda deg degga ah ee la geliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xaaladdan deg deg ah, ayaa waxaa lagu go’aamiyey kulan ay habeenkii jimcaha Villa Somalia ku yeesheen Farmaajo iyo Kheyre, sida ay horey u shaacisay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa walaac laga qabayo qaabka loogu dhowaaqayo.

Sida aan xogta ku sheegnay waqtigaas, Farmaajo iyo Kheyre ayaa si gaar ah uga walaacsanaa, in baarlamanka uu ansixin waayo iyo sidoo kale in beesha caalamka ka hor-timaado arrintan.

Dastuurka ayaa dhigaya in xaaladda deg degga ah uu ku dhowaaqi karo kaliya madaxweynaha, marka codsi uu u soo jeediyo Golaha Wasiirrada, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda.

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama ay xildhibaano badan ku kacsan yihiin dowladda, ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha adeegsadeen xeelad ah in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu magaalada isaga geliyo xaaladda deg degga ah, si aan loogu baahan sharciyadda baarlamanka.

Sidoo kale, maadaama Yariisow uusan sharci u haysan inuu xaalad deg deg ah ku dhowaaqo, oo uu dastuurka awooddaas siinayo madaxweynaha kaliya, waxaa sidoo kale la sameeyey farsamo labaad, oo ah in Yariisow uusan adeegsadan ereyga “xaalad deg deg ah”, balase uu si dadban u geliyo magaalada.

Arrintan ayaa waxaa fahmay xildhibaanada qaar oo ku tilmaamay sharci-darro. Senator Ilyaas Xasan Cali oo ka tirsan aqalka sare ayaa qorala uu soo dhigay facebook ku yiri “Dasturkii ayaan dhaweyd la lahaa waa la xadey miyaa markale laxadey kii aan heysaney meelna ugama oolin Gudoomiye Gobol oo Xaalad degdeg ah soo rogaayee

Sida uu qabo qodobka 131aad faqradaha 1aad ilaa 7aad ee Dastuurka KMG, Xaalad deg deg ah waxaa waddanka ama qayb ka mid ah lagu soo rogi karaa keliya haddii ay dhacdo xaalad ba’an oo dagaal, weerar ama mubiibo ayadoo loo marayo habraac gaar ah”

Si kastaba, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa Muqdisho geliyey xaalad deg deg ah, ayaga oo si farsamaysan u baal-maray dhammaan sharciyaddii ku hareereesnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com