Muqdisho (Caasimada Onlien) – Waxa asii kordheysay xiisad ka dhex oogan mamaulka gobolka Banaadir iyo siyaasiyiinta beelaha Mudullood, oo salka ku haysa deegaanka Garasbaaley, sida dad arrintan xog ogaal u ah ay sheegeen.
Xiisaddan ayaa ka dhalatay guddoomiye waaxeed uu guddoomiyaha degmada Dayniile Cabdi Weli Nuur Faarax u magacaabay deegaankaas, isaga oo ku doodaya inuu hoos yimaado degmada Dayniile.
Taallabada uu qaaday guddoomiyaha Dayniile, ayaa waxaa ka dhashay iska horimaad keenay in askari looga dilo halkaas, kadib markii ay isku dhaceen dadka deegaanka iyo isaga.
Deeganaka Garasbaaley ayaa muddo ahaa deegaan iskiis u taagaan oo aan degmo hoos iman, waxaana socday sanadihii dhowaa dadaallo la doonayey in degmo looga dhigo.
Xildhibaanada beesha Mudullood, oo uu Taabit ka dhashay, ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir inuu wax ka ogaaa magacaabista uu sameeyey guddoomiyaha Dayniile, hase yeeshee Taabit waa uu beeniyey.
Si kastaba, shakiga xildhibaanada ayaa weli taagan, sababtuna waxa ay tahay Taabit oo diiday inuu tallaabo ka qaado Cabdi Weli Nuur Faarax.
Labada dhinac ayaa horey waxaa uga dhaxeeyey khilaaf ka dhashay is-hortaagga uu Taabit ku sameeyey dadaallada maqaam loogu raadinayo Muqdisho, isaga oo kala furfuray xildhibaano iyo siyaasiyiin arrintan ku lug lahaa.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

