Xildhibaan xubin muhiima ka ah BF oo magaalada Nairobi lagu xiray, Sabab?

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, ayaa Jeelka dhigay Guddoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Somalia Xil. Xusein Carab Ciise oo howlo shaqo u joogay Nairobi.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in la xiray xili uu halkaasi u joogay Howlo shaqo, waxaana la Tilmaamayaa in lagala baxay Hotel uu ka degnaa Magaalada Nairobi.

Xildhibaanka ayaa xirnaa dhowr saac oo xiriir ah, waxaana dadaal dheer kadib suuragashay in dib xoriyadiisa loogu soo celsho Mudanaha.

Xariga Xusein Carab Ciise, ayaa waxa uu bar-bar socdaa xari dhawaanahaani Kenya loogu geysanaayay Siyaasiyiin ka kala tirsanaa Baarlamaanka iyo Safaarada Soomaalida Kenya, waxa ayna taasi qeyb ka noqoneysaa gafka Siyaasadeed ee inta badan Dowlada Kenya ay u geysato Siyaasiyiinta Somalia.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Somalia Xil. Xusein Carab Ciise oo la hadlay Idaacadda KNN ee Magaalada Muqdisho, ayaa beeniyay in xarigaasi ay u geysteen Ciidamada Ammaanka Kenya, waxa uuna sheegay in Nairobi uu u joogo Howl, balse uu beeninaayo wararka ay baahiyeen Warbaahinta Afka Soomaaliga lagu qoro.

Haddalka Xusein Carab, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo Dowlada Kenya ay inta badan xad gudubyo u geysato Diblumaasiyiinta Soomaalida ee dalkaasi u gaara Howlaha shaqo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com