Xasan oo taagero ka raadiyey beelaha Hawiye ee uu horey u xumeeyey (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay inuu kullamo la qaato Odayaasha Beesha Hawiye oo in muddo ah ay kala fogeysay Siyaasadda.

Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxtooyada uu ku qaabilay Odayaashii ugu badnaa ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaasi oo la sheegay inuu kala hadlaayay Arimaha la xiriira inay garab istaagaan, xilli uu cadaadis siyaasadeed wajahayo.

Xasan iyo Cabdi Weli ayaa aad isugu xun maalmahan, wuxuuna madaxweynaha dareemaya in taageero la’aanta beeshiisa ay soo geba gebeyn karto xilkiisa. Waxa kale oo uu kala hadlay damaca uu ka muujinaayo inuu kusoo laabto doorashada Dalka.

Sida la og-yahay, taageerada Xasan Sheekh ee beeshiisa ayaa dhulka mareysa, waxaana hadda uu madaxweynaha muujinayaa in doonayo inuu xaaladda wax ka beddelo.

Ilo-xog-ogaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Xassan Sheekh uu Odayaashaasi ka dalbaday inay kala shaqeeyan sidii uu dib ugu soo laaban lahaa Madaxtinimada Dalka oo ay iminka muddo kooban uga harsan tahay, waxaana la Tilmaamayaa inuu si aan ganbasho laheyn uga codsaday inta doorashada ka harsan ay cadaadin ka saaraan Xildhibaanada Beelaha Hawiye.

Si kastaba, qaar ka mid ah odayaasha ayaa Xasan u sheegay in baaqiisa yahay mid waqtigiisa ka horreeya, ayna jiraan waxyaabo ka horreeya oo wax qabad u baahan.

Kullanka ayaa waxaa sidoo kale, lagu lafaguray Siyaasada Xassan iyo kaalinta Beelaha Hawiye oo aan xiligaani is waafaqsaneyn, waxaana la Tilmaamayaa in Xassan uu ka cudur daartay wax waliba oo dhacay, arintaasina uu diyaar u yahay inuu ka bixiyo xaalmarin.

Dhanka kale, Kullanka Madaxweyne Xassan iyo Odayaasha, ayaa imaanaya xili Taariikhdu markii ay aheyd September 12, 2014 uu Xassan shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan qabashada madaxtinimada Dalka 2016-ka.

Xasan Sheekh, ayaa horey deegaano badan oo beelaha Hawiye wax ka degaan ama ay ayaga kaliya degaan u gacan geliyey maamulo kale, sida gobollada Jubbooyinka oo uu siiyey Axmed Madoobe iyo gobolka Sh/hoose oo uu door biday in laga maamulo Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com