Markab ay leedahay DFS iyo Ciidamada Somaliland oo isku dhacay (WARBIXIN)

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay in Ciidamada Badda Maamulkaasi ay iska caabiyeen Markab la sheegay in Dowlada Federaalka kasoo kireysatay Hay’addo Ajaanib ah lagu arkay Xeebaha Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Xeebaha Maamulka ay ku arkeen Markab u kireysnaa DF, wuxuuna Cadeeyay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cida ku soo xadgudubta wax uu ugu yeeray Xeebaha Maamulka Somaliland.

Waran Cadde waxa uu sheegay in Markabkaasi Ujeedkiisu yahay xaqiijinta Ammaanka xeebaha Somalia, taasina waxa uu ku shegay mid aysan aqbali karin, maadaama uu Tibaaxay in Maamulka Somaliland uu gaar ka yahay Somalia inteeda kale, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Xeebaha Somaliland waxaa xad gudub kusoo sameeyay Markab ay DFS ka soo kireysatay Hay’adaha Caalamka, wuxuuna Ujeedkiisu ahaa indha-indheynta Badda Somalia, wan ka shakinay waxaana u dirnay Ciidamadda illaalada Xeebaha Somaliland,si ay kormeer ugu soo sameeyaan Markabka ay Xukuumada Somaliya wadatay ee soo galay xuduuda Xeebaha Somaliland gaar ahaan Laas-qoray. Waxaa naga go’an inaan talaabo adag ka qaadno Markab waliba oo xad gudub nagu soo sameeya. Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in aanay maqal beenta ay fidinayaan dawlada Xamar’’ ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Waran Cadde.

Dhanka kale, Arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay Admiral Guuto, Axmed Aw- Cismaan oo ah Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Maamulka Somaliland, wuxuuna Cadeeyay in Markabkaasi uu yahay mid ay kireysatay DF, waxa uuna daboolka ka qaaday inay iska cabin doonaan wax waliba oo kaga imaada dhanka Dowlada Federaalka.

Waxa uu sheegay inuu DFS uga digaayo xadgudubka ay ku sameyneyso waxa uu ugu yeeray Badda gaar ahaan qeybtooda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com