Boobka Kenya ee BADDA SOMALIA oo mugdi uu galay kadib markay qiratay…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa rajo xumo ka qabto Dacwada ku saabsan muranka dhul badeedka ee Dowladda Somalia u gudbisay Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo xarunteeda tahay The Hague, dalka Netherlands.

Walaac Kenya ee soo shaac baxay ayaa ka danbeysay kadib markii Wasiiradda Arrimaha Dibada Kenya Aamina Maxamed ay Wargeyska Sunday Nation u sheegtay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ay ka wada hadleen muranka labada dhinac isla markaana loo fududeeyo wada hadalo laga yeelanayo arinta muranka badda.

Kenya ayaa sheegatay dhul badeedka Saliida iyo Malaayga hodanka ku ah, taasoo u muuqata mid hadda ay dabcineyso dacwada laga gudbiyay.

Wasiiradda arrimaha Dibada Kenya Amina Mohamed waxay sheegtay in nasiib daro ay tahay in iyadoo lagu guda jiray wada hadalo in ay dhacdo heer maxkamadeed.

Bishii June, shirkad Australian ah ayaa sheegtay in xeebaha Indian Ocean gaar ahaan dhulka lagu muran yahay in laga helay mid ka mid ah ceelasha saliida basiinka.

Danaha dhaqaale ee labada dal, iyo muranka dhulka hodanka ku ah saliida shidaalka iyo malaayga ayaa waxaa suuragal ah in ay keento dagaal lagu hoobto, sida ay ka digayaan diblumaasiyiin khibrad u leh Somalia iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Prof Muigai ayaa sheegay inuu diyaariyay khubaro si ay u taageeraan Kenya, uguna soo horjeestaan kiiska Somalia ay ka gudbisay.

Dacwada Dowladda Somalia ay u gudbisay ICJ aye Dowladda somaalia ku qeexday in ay fashilmeen wada hadalo labada dhinac u socday, isla markaana Kenya diiday qodobo ay hordhigtay Dowladda Somalia. waxaana Maxkamadda ICJ ay usoo gudbisay Kenya in ay soo qeexdo eedeymaha ay Somalia u soo jeedisay.

Si kastaba ha ahaatee,Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa beenisay in sahaminta shidaalka ee aagga lagu muransan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com