Sawiro & Xog: Shirka ONLF ee London

Waxaa dalka Ingiriiska ka socda dhir aad u balaadhan oo ay isugu yimadeen madaxa ugu sareysa Ururka ONLF oo uu kamid yahay Gudoomiyaha ONLF Adm. Mohamed Cumar Cismaan, kuxigeenkiisa Dr. Mohamed Ismaciil Cumar, Gudoomiyaha Golaha Dhexe Diirane Abdi Yasiin, Madaxa Hogaanka Arimaha Dibada Abdirahman Sheikh Mahad Madeey & xubo kale oo badan oo isugu jira gudiga Fulinta & Golaha Dhexe ee ONLF.

Shirkan oo furmay maalintii Jamca ee ay taariikhdu ku begneed 12 ayaa waxaa isgu yimid dad aad u badan oo kala yimid qaaradaha aduunka & dalkan Ingiriiska oo ay dagan yihiin jaaliyadda balaadhan oo taagersan Ururka ONLF waxaa kale oo shirka joogay Hay’ado kale duwan oo lagu marti qaaday shirka kuwaas oo ka hadlay muujiyay dhibaatada & tacadiga ka jira gobalka Ogaden in uu yahay mid u baahan in si dhab ah loo faragaliyo.

Waxaa kale oo shirka ka soo qayb galay Wafuud kakala yimid daafaha caalamka ayaga oo kala matalaya Jaaliyaadka Ogaadeenya ee caalamka waxaana Hoolka shirka lagu qabanayay lagu shar sharxay calaamado & calanka ONLF, dadka goobta joogay ayaa ayaguna inta badan ku labisnaa maryo aad u qurxoon oo calanku ku xar-xardhan yahay.

Shirkan oo sanadwalba dhacay sanadkii horena lagu qabtay magaalada Pretoria ee caasimada K/Afrika ayaa ah shir bulsho laguna soo bandhigo suugaan kale duwan & qiimayn ay jaaliyaadku ku qiimaynayaan wixii u qabsoomay labaas shir.

Shirkan ayaa ka duwan kuwii hore waana markii ugu horeeyay ee ay madaxa intaas dhan ku kulmaan halmeel ah ayaga oo kakale yimid daafaha aduunka waxaana lagu wadaa shirkan in uu wax badan ka badalaan doono shirarkii hore.

Dhanka kale shirkan ayaa ku soo beegmay xili ay magaalada JigJiga ka jirto is hays haysad aad u badan oo Maamulka Abdi Iley uu ku jiro marxalad jaha wareer ah oo khilaaf hadheeyay waxaana marar kale duwan looga yeedhay magaalada Addiss Ababa si loo xakameeya khilaafka balse aan ilaa hadda lagu guulaysanin.

Ururka ONLF ayaa bishii lasoo dhaafay ee August waxay u dabaaldagayeen 30 sano Guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay ONLF oo ku beegay August 15, 1984 waxaana si weyn looga xusay meelo badan oo aduunka ah.

Warbaahinta Qorahay Media oo waraysatay Dr. Mohamed Ismacii Cumar G/Xigeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in ay gadheen guulo aad u badan kuwaas oo lagu naaloon karo isaga oo sheegay in hadafkii & ujeedadii ururkan loo asaasay uu maanta midha dhalay guulna ay ku taagan yihiin isaga oo dhanka kale milicsaday in ay Itoobiya kaga adkadeen dhanka siyaada ciidanka & taageerida ay ka haystaan shacabka Ogaadeenya wuxuuna sheegay in ay fashiliyeen qorsheyaal aad u badan oo ay Itoobiya doonaysay in ay ku dher abuurato shacabka & jaaliyaadka kuwa raacsan siyaasada Itoobiya balse midaasi way ku hungoowday ayuu misha Mohamed Ismaciil oo u waramaya Qorahay Wed TV.

Waxaan idin soo gudbin donaa Barnamijyo aad ka soo diyaarin doona shirkaas & wixii ka soo baxa oo aad diirada ku hayno.

Ogaden (1)Ogaden (2)Ogaden (3)Ogaden (4)

Mohamed Ibrahim
Suxufi Madaxbanaan
wadani2014@yahoo.com