C/Weli oo Safar ah iyo banaanbax la…

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda uu Magaalada Baydhaba gaari doono Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo.

Socdaalka Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigiisa ay ku gaari doonaan Magaalada Baydhaba, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid uu ku furaayo shir maanta ka furmaayo Magaalada Baydhaba kaasi oo la Tilmaamay inuu yahay mid lagu heshiisiinaayo Bulshada halkaasi Degta.

Sidoo kale, wararka halkaasi naga soo gaaraya, ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyay Ammaanka Magaalada waxaana la arkayaa Ciidamo farabadan oo lagu soo daadiyay wadooyinka waaweyn kuwaasi oo xaqiijinaaya Ammaanka.

Ciidamada ayaa isha ku hayo Banaanbaxyo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka dhaco maanta , kaasi oo looga soo horjeedo Tagista Ra’isulwasaaraha Magaalada Baydhaba, waxaana laga cabsi qabaa in Banaanbaxa qabanqaabadiisa xiligaani uu ka socdo Baydhaba sababo Khasaaro.

Dhanka kale, Safarka uu Ra’isulwasaaraha ku gaarayo Baydhaba, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalinimadii shalay Mamaulka Lixda Gobol uu soo saaray Bayaan ay ku qeexayaan Mowqifkooda ku aadan in Ra’isulwasaare C/weli uusan soo gali Karin Baydhaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com