Video: Jawaari oo muuqaal sir ah laga duubay isaga oo Puntland weeraraya

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxamed Cismaan Jawaari, oo ah afhayeenka Baarlamana Soomaaliya ayaa waxaa laga duubaqy muuqaal Video ah, isaga oo magaalada Baydhabab si gaar ah ugula hadlaya beeshiisa.

Waxa uu muuqaalka ugu baaqayaa beeshiisa, inay isku duubato, si looga gudbo dhibaatada lagu hayo dadkooda, gaar ahaan kuwaada ku sugan deegaanada Puntland, oo uu sheegay in xarig lala daba joogo, hantidoodana la boobayo..

Jawaari oo ay ka muuqato carro ayaa waxaa uu dadkiisa ku dhaliilay inay dhexdooda isku mashquulsan yihiin islamarkaana aysan laheyn wax midow ah, laakiin waxaa uu sheegay in xilligan la joogo waqtigii ay wada jir noqon lahaayee.

“Hurdada kakaca, oo iska daaya reer hebal iyo reer hebalka aad isku heysatiin. Reer Buur iyo reer Baydhabo iska dhaafa markii aad halkan ka tagtaan, oo midooba” ayuu yiri Jawaari.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Puntland ay dhibaato xoogan ku heyso shacabka iyo ganacsatada kasoo jeeda beeshiisa, isagoona sheegay in isla maanta ay dadka ganacsatada ah ee kasoo jeeda reerkaasi ay Puntland kula kacday xarig, taasi oo uu aad uga muujiyey caro xoogan, uuna sheegay in teleefon lagu soo war-geliyey..

Halkan ka daawo Jawaari