Xog: Xildhibaanada Abgaal oo howlgalka ku biiray iyo dagaal culus oo maanta dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Labogaras oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa mar kale maanta lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada deegaanka oo iska socda ay ka soo dul-dhaceen Shabaab badan oo geedo harsanaya.

Dagaalkii ugu cuslaa oo galabta afurkii la isla soo gaaray ayaa dhacay, waxaana laga adkaaday Al-Shabaab oo halkaas lagu laayey, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii hogaamineysay howlgalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku soo biiray dagaalka, waxayna garab siiyeen ciidamada macawiisleyda deegaanka Labogaras, oo dagaalka bilaabay.

Kooxda Al-Shabaab oo soo gashay Shabeellaha Dhexe, si weyna uga dagaalantay deegaano muhiim ah oo ay qaar qabsadeen ayaa dooneysa inay soo gaarto xeebta, balse waxaa ka hor tegay ciidamada maanta weeraray.

Sidoo kale, maanta waxaa howlgalka ku biiray oo degmada Raageceelle gaaray ciidamo ay hoggaaminayaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo saraakiil ka baxday Muqdisho, kuwaas oo xalay ka dheelmaday Muqdisho.

Xildhibaano badan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa xalay baxay, halka caawa iyo habeen dambe ay baxayaan inta kale, dhamaan xildhibaanada beesha Abgaal ayaa iska xaadirinaya furimaha dagaalka, si ciidamada ay u hoggaamiyaan, una garab istaagaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalka hoogaaminaya, waxaana Al-Shabaab loo qorsheeyey in Shabeellaha Dhexe aysan dhinac uga bixin oo lagu laayo maalmaha soo socda, kadib markii looga diyaar garoobay dhinac kasta.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aano amni oo ka dhan ah kooxaha Khawaarijta ah, iyagoo bogaadiyey guulaha ay gaarayaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo howlanka ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo soo laba kacleysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Xildhibaanada ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe furinta u diray ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada faray in kooxda lagu soo afjaro deegaanada ay soo galeen, si natiijo looga gaaro dagaalka argagixisada ee ka socda gobollada dhexe.