Xog: Xildhibaanada BF oo ku kala qeybsamay mooshinka xukuumadda R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada.

Xildhibaanada kasoo horjeestay mooshinkan oo la rabo in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, ayaa waxay ku doodayaan in aan xilligaan la wiiqin dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, oo aan fursan la siin argagixisada.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkan ayaa waxa uu sheegay in waxx walba ay ku noqonayaan Zero oo ka dhigan halkii hore looga soo qaaday, marka loo eego horumarka laga sameeyay amaanka caasimadda dalka ee Muqdisho iyo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Xildhibaano aanu saaxiibonahay oo meelo kala duwan jooga ayaa habeenadan ila soo xidhiidhaya oo igala hadlaya in aan ka qayb-qaato kambayn-ka Mooshin lagu ridayo Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse,” ayuu yiri qoraal uu Xildhibaan Xayir Maareeye soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse hadana in aanan jecelayn in la rido xukuumada, waayo waxaan ku faraxsanahay oo dawladda ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo sida ay wax uga qabatay Amniga Magaalooyinka qaar sida Muqdisho, hadii hada la furo muran siyaasadeed ama xukuumada la ridona wax waliba waxay ku noqonayaan zero.”

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in mooshinka ka dhanka ah xukuumadda lagu rabo dano gaar ah, islamarkaana meesha ka saarayan rejada iyo dowlad-dhiska umadda Soomaaliyeed, taasi oo dabada ka riixayaan dowladda shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

“Illaa xiligii UNITAF ee 1993, waxaan u soo joogay oo qibrad weyn u leeyahay sida markasta oo Soomaaliya ay u soo ifto nabad, deganaansho iyo dawladnimo sida ay dawlado caan ah oo la yaqaan oo adeegsanaya Wakiilo gudaha ah oo marxali ah (marba ninkii xanaaqsan ee dareen qabiil ama mid xil shidayo) dhabarka uga jebin jireen oo u kala tuuri jireen rajada iyo dawlad dhiska ummadda Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maanta oo mooshin iyo buuq siyaasadeed la furo ay la mid tahay “Shabaab waa sii jabayaa haloo hiiliyo oo dalka ha joogo, deynta ayaa la cafinayaa oo dalka maalgashi baa imaanaya ee hala kala tuuro oo dalka iyo dadku tuugsigoodii ha ku sii jireen, shirarkii Madasha, Dhameystirka Dastuurka, dhismaha Dawlad dhiska ee hawluhu ka socdaan hala istaajiyo,”

“Waxaas oo dhana sidii aan arki jiray waxaa dabada ka riixaya oo Qarash ku bixinaya Dawlado Shisheeye. Xildhibaanada walaalahay ah waxaan kula talinayaa yaan sidaas la yeelin ee dalka iyo dadka haloo tudho,” ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraalkiisa.

Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.