Xog: Xildhibaanada iyo wasiirada HirShabelle wax mushaar ah ma qaataan

Hirshabeele waxey maanta yeelatay 20 wasiir, 20 wasiir ku xigeen iyo 17 wasiiru dowle taas oo ka dhigan iney lee yihiin 57 Wasiir, waa maamul goboleedkii u dambeeyay ee la hir galiyo Somalia.

Malahan ila dhaqaale, ma shaqeeyaan kaabayaashii guud, dadkuna ma heystaan adeeg Bulsho, canshuur lama qaado, Dekadaha maamulkuna ma shaqeyaan, maamulkan wuxuu bil walba $150,000 oo dollar ka helaa Dowladda dhexe ee Somalia, si la mid ah maamuladda kale.

Xildhibaanadda iyo Wasiirada maamulka Hirshabeele wax muushaar ah ma qaataan,bil walba waxaa la siiya qofkiiba $1000 dollar oo gunno ah, Baarlamanka Hirshabeele ayaa laga sugaya inuu sameeyo qorshaha mushaarka ee xildhibaanadda iyo golaha wasiiradda.

Madaxweyne Waare ayaa golihiisa wasiiradda ka ilaaliyay inuu ka mid noqdo xubin Baarlamaan, ka sokow inuu ku guuleystay rabitaankiisa hadana waxaa muuqata inuu badiyay xubnaha u baahan iney mushaar joogta ah helaan, maamulkiisuna uma dhowa mid is bixin kara.

Ka maqnaanshaha xubnaha Baarlamanka ee golaha wasiiradda Hirshabeele waxey dhalin kartaa caqabado, diidmo joogta ah iyo xitaa mooshino, iney wasiiradaada  ka mid noqdaan xubnaha Baarlamanka mararka qaar waa difaac siyaasadeed.

Madaxweyne Waare oo kasoo shaqeeyay ICRC iyo FA0 malahan tixraac siyaasadeed oo weyn laakiin waxaa la aaminsan yahay inuu lee yahay aragtiyo bulshadda reer Hirshabeele lagu samata bixin karo.

Dadka arimaha Hirshabeele la socda ayaa aaminsan inuu madaxweyne Waare tiradii ka badiyay xubnihiisa golaha wasiiradda taas oo ah mid aan laga fileyn.

Waxaa qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@gmail.com