Korea-da Waqooyi oo tijaabisay gataal gaara meel kasta oo Mareykanka ah iyo cabsi billaabatay

Pyongyang  (Caasimadda Online) – Kuuriyada Waqooyi ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay awood buuxda u heysato inay duqeyso dalka Mareykanka kadib markii ay ku guuleystay tijaabadii ay dhawaan ku sameysay nooc cusub oo ah gantaallada Ballistic loo yaqaanno ee Qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaari kara dhammaan qaaradda uu Maraykanku ku yaaallo.

Telefishinka Qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay Pyongyang  gaartay hadafkeedii ahaa inay hesho awood buuxda Nuclear-ka ah isla markaasna ay noqoto dal ay u dhameystiran tahay awoodaha hubka kala duwan ee Nuclear-ka.

Pyongyang  ayaa markii ugu horeysay tijaabisay gantaallada Ballistic ee xambaara Nuclear-ka muddo labo billood ka badan, waxayna Saraakiishada Ciidamada Kuuriyada koonfured xaqiijiyeen inuu dhinaca Berri ee dalkeeda uu dul maray Gantaalka laga soo riday meel u dhaw magaalada Pyongyang.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guuleysatay inay hormarin weyn ku sameyso Gantaaladeeda, waxaana hadda muuqato inay ku guuleysatay inay gaarsiin karto hubkaan meelo aad u fog fog oo ay kamid tahay Mareykank sida ay arrintaas sheegeen Khubaro ka faalooda arrimaha dalkaasi.

Gantaalka ay riday Pyongyang ayaa socday masaafo dhan Kun kilomitir kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan, waxayna Xarunta wasaarada difaaca ee Pentagon-ka Mareykanka xaqiijisay inuu Gantaalkaan yahay midka isaga goosho Qaaradaha.

Inkastoo uu Mareykanka qiray inuu Gantaalkaan yahay mid gaari karo qaarado fog fog, haddana Pentagon-ka ayaa intaa ku daray in gantaalkani uusan aheyn mid khatar ku ah xullafada Mareykanka iyo waqooyiga Mareykanka toona.

Sida ay sheegeen warbaahinta dalka Japan, Gantaalada ay soo riday Kuuriyada Waqooyi ayaa hawada ku jiray muddo saacad ah, waxaana la sheegay inuu burburay ka hor inta uusan kusoo dhicin dhulka

Warbaahinta dalka Japan ayaa kusoo warantay in gantaalkani uu hawada kujiray wax ka yar saacad, waxaana ay intaa ku dareen inuu burburay kahor inta aanu dhulka kusoo dhicin.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in dalkaas cunaqabateyn lagu saaro, balse iyadoo sidaas ay tahay waxaa cad inay Kuuriyada Waqooyi hormar weyn ku sameeneyso hubkeeda Nucleark-ka iyo Gantaalada isaga gooshi karo Qaaradaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com