Puntland iyo ganacsatada Boosaaso oo meel xun kala marayo iyo ganacsigii oo maanta xiran

Boosaaso (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta  xiran xaruumaha Ganacsiga magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari xilli uu taagan yahay Khilaaf u dhaxeeya dowladda Puntland iyo Gancsatada.

Wararka aan ka helayno Boosaaso ayaa sheegaya in albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen lacag lagu kordhiyay khidmada Badeecooyinka kasoo daga Dekedda.

Ganacsatada ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacagaha cusub ee lagu kordhiyay Khidmadaha iyo canshuurta, taasi oo ah mida keentay inuu Maanta xirmo Ganacsiga magaalada.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa lagu arkayaa wadooyinka, iyagoo isha ku haya dhaq-dhaqaaqa dadka oo laga cabsi qabo inay hdigaan mudaharaad looga soo horjeedo go’aanka dowladda ee ku aadan khidmada Badeecadaha Dekedda.

Ganacsatada ayaa ku sugan afaafka hore iyo gudaha xarunta rugta ganacsiga ee ku taalla magaalada Boosaaso, waxayna ka arintasanayaan caqbadaha soo kordhay, kadib markii uu fashilmay wadahadalkii ay la lahaayeen ee socday mudooyinkii dambe.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Dekedda ay xiran tahay maalintii labaad, islamarkaana uu hakad uu ku jiro shaqadeeda, iyadoo doonyihii kuu xirnaa qaarkood ay dib ugu laabteen.