Xog: Xujayda Soomaaliya oo mar kale la dayacay – Sawirro muujinaya halka la dejiyey

Maka (Caasimada Online) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cabanaya adeeg xumo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka mid ah xujeyda oo nala hadlay.

Xaajigan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin ku heysta goobihii ay dejisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyadooda qaaday, inta ay joogaan Xajka.

Xujeyda nala hadashay waxay sheegeen in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

“Adeega aan ka helnay dowladda iyo lacagta ay naga qaaday wax isku dhow maaha, sanadkaan waxaa Soomaalida la dejiyey goobo aan lagu noolaa karin, markii hore waxaa la ii sheegay in markii aan tago magaalada Mako Hoteel la i deji doono, laakiin taas ma dhicin, magaalada oo aad u kulul ayaa nala dejiyey qolal aan wax qaboojiye ah laheyn,” ayuu yiri mid ka mid ah Xujeyda sanadkaan oo la hadlay Caasimada Online.

Rajo weyn ayaa laga qabay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka bedesho dhibaatooyinkii haystay xujeyda Soomaaliyeed, balse taasi ma dhicin oo cabashada ayaa cirka isku sii shareertay, waxayna xujeydu sheegeen in balan-qaadkii loo sameeyey iyo adeegyada ay heleen aysan ay aheyn wax isku dhow.

“Is bedel weyn ayaa nool balan qaaday sanadkaan, lacag 50 dollar ah oo kaliya ayaa u dhaxeysa qiimaha sanadkaan iyo sanadkii hore xajka lagu tegayo, sanadkii hore waxaa dadka laga qaaday (afar kun, afar boqol, sideetan iyo dhowr doolar), sanadkaana waxaa laga qaaday $4,434 iyo sintiyaal, duulimaadyadana waxaa loo xiray hal shirkad oo adeegyo gaar ah aan soo kordhin,” ayuu yiri Xaaji kale oo la hadlay Caasimada Online.

Xujayda Soomaalida ayaa sidoo kale la dejiyey goobo aad uga fog xaramka, sida ka muuqata khariidadda hoose, taasi oo dhibaato badan ay kala kulmaan.

Mid ka mid ah xujeyda oo xog ogaal ah, dhowrkii sano ee lasoo dhaafayna ku noqnoqday xajka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii uu dunida ka dilaacay cudurkii Coronavirus ay dowladda Soomaaliya toos ula wareegtay maamulka adeegyada xajka, sida ka duwan sanadihii hore, taasi oo sii cakirtay xaaladii xujeyda Soomaalida oo markii horaba dhibane u ahaa dowlad la’aanta iyo duruufaha ku xeeran ee dunida kale ay uga duwan yihiin.

“Waxaa meesha la baxay tartankii shirkadaha, wax kasta waxaa la wareegtay dowladda markii laga reebo duulimaadka oo hal shirkad loo xiray, waan u dacwoonay shirkadaha, laakiin waxaba kama dhihi karaan oo anaga ayey nala mid yihiin, guryaha, hoteelada iyo teendhooyinka dowladda ayaa toos u soo faro-gelisay, waxaas oo dhan oo eed ahna waxay dusha uga dhaceysaa xafiiska arrimaha Xajka ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xaaji la hadlay Caasimada Online.

Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka.

Sidoo kale, dowladda ayaa sameysay shaqaale gaaraya 415 qof oo loo sameeyey IDs oo mid walba jago ku magacaaban yahay, kuna qoran yahay xafiiska Xujeyda ama Bicthada Soomaaliya.

Waxaan halkan idin kula wadaageynaa liiska hoteellada ay dowladda Soomaaliya sheegtay in la dejin doono xujayda. Waxaan sidoo kale idin soo gudbineynaa sawirro muujinaya halka la dejiyey iyo sida ay u liidato.