XOG: Xuseen Cabdi Xalane oo xil safiirnimo lagu abaal mariyey + AXMED MADOOBE oo qancay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, ayaa loo magacaabi doonaa safiirka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Magacaabista Xuseen Cabdi Xalane oo lagu wado in maalmaha soo socda lagu dhowaaqo, ayaa waxaa suurto geliyey arrimo dhowr ah oo isbiirsaday, balse ay ugu weyn tahay rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ilo xog ogaal ah ay u shegeen Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa xilkan siinaya Xalane si uu uga dhigo xaal marin kadib markii uu uga baxay ballan ahayd inuu ka dhigayo ra’iisul wasaare isaga oo ka doorbiday Cumar Cabdirashiid.

Sida ay xogtan leedahay, waxaa sidoo kale arrintan ku lug leh maamulka Jubba ee Axmed Madoobe, oo dowladda Xasan Sheekh ku cadaaddiya iyo dowladda Imaaraadka oo Axmed Madoobe ay aad isugu dhowaayeen maalmahan.

Magacaabistan ayaa waxa ay qeyb ka tahay safiiro dhowr ah oo dowladda Soomaaliya ay magacaabeysay maalmihii ugu dambeeyey, kuwaasi oo ay ku jireen safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga oo loo kala magacaabay Axmed Ciise Cawad iyo Cabdullahi Sambaloolshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com