Daawo sawirrada: Maxaa ka cusub fadeexadii ay DF SOOMAALIYA kala kulantay shirka GENEVA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka DF Somalia ayaa sheegaya in Dowlada loo ogolaaday inay ka qeybgasho shirka ILO oo ka socda Xarunta Ururka Shaqaalaha Dunida Magaalada Geneva, kadib markii dhowr maalmood ka hor ay halkaas ceeb kala kulantay ayada oo loo diiday shirka.

Shirka oo markii hore laga mamnuucay ayaa waxaa markii dambe Magaalada Geneva gaaray Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka oo xaliyay tashwiishkii ka dhashay shirkaasi oo sababay in DF Somalia laga mamnuuco, kadib markii laga gudbiyay dacwado lidi ku ah.

Wafdiga DF ee loo ogolaaday inay ka qeybgalaan shirka 104-aad ee ururada shaqaalaha dunida, ayaa waxaa Dowlada u matalaayay Mas’uuuliyiin uu kamid ahaa Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo xubno ka kala socday Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Shirkaasi oo sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu falanqeeyaa duruufaha shaqo ee ka jira wadamada xubnaha ka ah ururka shaqaalaha dunida kaasoo ay kasoo qaybgalaan wasaradaha arimaha bulshada iyo shaqalaha iyo ururada shaqaale ee xubnaha ka ahaa ururka shaqaalaha dunida ( ILO) kaas oo uu si rasmi ah u matalaya kuna codeyndoono magaca Soomaaliya Gudoomiyaha IsuTagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Cali.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
il_1

il_2

il_3

il_4

il_5