Qaar ka mid ah ergooyinka shirka CADAADO oo hal arrin oo xasaasi ah oo codsaday (WARBIXIN)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Ergooyinka qaar ee halkaasi uga qeybgalaaya shirka maamulka loogu sameynaayo Gobolada Dhexe ay gudoonka sare ee hagaya shirka ka codsadeen in la bedelo Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Xaliimo Yarey.

Ergooyinka qaar ayaa lagu soo waramayaa inay diiden in Hoolka shirka ay dib ugu laabtaan iyadoo aan xilkaasi laga wareejin Xaliimo Yarey, waxa ayna yihiin kuwo ku andacoonaayo isdaba-marin iyo faragalin uu Gudoomiyuhu ku hayo xuquuqda beelaha qaar.

Ergooyinka oo dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha u gudbiyay Xubnaha DF ka jooga shirka ayaa waxaa la soo warinayaa in xubnahaasi ay ku gacanseeren in faragalin lagu sameeyo xilka ay heyso Marwo Xaliimo Yarey, hayeeshee taasi badelkeeda ay sababtay in ilaa Shan beel ay gudbiyeen inay faarujin doonaan Hoolka shirka hadii aan jawaabo degdeg ah laga baxin Xasarada ka dhalatay faragalinta kusii dhex baaheysa shirka Cadaado.

Khilaafka taagan ayaa waxa uu sidoo kale buuq ka dhex dhaliyay Xubnaha DF wakiilka uga ah shirka kadib markii ay ku murmeen in wax laga qabto cabashooyinka Ergada, waxaana taasi ka biyo diiday qaar kamid ah Xubnaha Dowlada u jooga shirka.

Geesta kale, Xaliimo Yarey ayaa ka mid ah Soomaalida qurba joogta iyo xubnaha bulshada rayidka ah, waxayna si weyn ugu soo shaac baxday xulitaanka baarlamaanka Federaalka ee hadda jira oo ay ka mid ahayd guddi awood u leh inuu soo xulo, shuruudaha xubinmimada Baarlamaakana u fiiriyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka.

Hadda waxay ka mid tahay xubnaha Guddiga doorashooyinka 2016-ka oo aanu weli Baarlamaanku ansixin, waana tan keentay in Ergada laga diido in Xaliimo laga qaado xilka Gudoomiyenimo.

Shirka Cadaado oo soo maray heerar kala duwan oo is heysad ah ayaa si dirqi ah ugu gudbay wejigiisa labaad, waxaana mar waliba jiray eedo laga tabanayo guddiga farsamada shirka ee dowladda Federaalka ay sameysay, laakiin waxaa hadda muuqata in shirku soo gaaray meel xasaasi ah oo aanay dowladdu sii xakameyn karin shirkani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com