Xog: Maxaa ka dhaxeeya Faarax C/qaadir iyo Xuutiyiinta Yemen?

Nairobi (Caasimada Online) – Wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa faafisay in ay heleen xog la xiriirta qorshe siyaasadeysan oo aan la ogeyn sababta ka danbeysa in Xil. Faarax Sheekh Cabdulkhaadir magaciisa iyo midka hay’adiisa loo istacmaalay shixnad markab siday agab dhan 30 kun oo tan, oo isugu jira raashin iyo daawooyin.

Agabkan ayaa loo waday dagaalyahaniinta Xuutiyiinta shiicada ee ka dagaalama dalka Yemen, waxaana agabkan soo diray dowladda Iiraan iyagoo soo marsiiyay ha’yadda Islamic Foundation oo leeyahay Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Markabkan ayaa waxaa qabtay markab dagaal oo laga leeyahay boqortooyada Sacuudiga iyagoo ka shakiyay, waxaana markabka si baaritaan loogu sameeyo si khasab ah uu ugu soo xirtay dekkeada Jabuuti, halkaasoo markii lagu sameeyay baaritaan dheer laga helay dukumiinta caddeynaya in markabka uu u rarnaa ha’yadda Islamic Foundation, magaca ku qornaa dokumiintaga laga helay in uu soo diray shixnaddan Xil. Faarax Cabdulqaadir.

Faarax Cabdulqaadir ayaa markii uu ogaaday in markabkii la qabtay waxaa uu waraaq dacwad ah u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud JFS, isagoo markaa dacwad ka ah in magaciisa la isticmaalay.

Milkiilaha Markabka (MV-LIBERTY) ee siday shixnaddan ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Salaad, oo ay walaalo yihiin wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweynaha JFS Mahad salaad.

Waxaa jira baaritaan ay wadaan sirdoonka reer galbeedka ah iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunaqabateynta waxaana uu baaritaankan uu ku socdaa seddex qof oo kala ah.

1. Xil. Faarax Cabdulkhaadir
2. Xil. Mahad Salaad (Wasiiru Dowlahaha xafiiska madaxtooyada) Iyo
3. Xuseen Salaad oo ah milkiilaha markabka

Arrintan ayaa waxaa loo badinayaa in ay soo gasho madaxtooyada, waana arrin halis ku ah madaxweynaha JFS, oo haddii lagu helo caddeeymo ay suurto gal noqon karto ama in lagu qasbo inuu xilka ka dego ama aanu isa soo sharaxin.

Waxaa kale oo jira baaritaano lagu hayo shaqsiyaad ka mid ah dowladda oo xiriir gacan saar ah la leh xukuumadda Tehraan.

Wixii soo kordo dib ayaan idiinkala soo socodsiin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com