Xog: Mareykanka oo DF xiriirka u gaabiyey kadib markii ay diiday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Dowlada Mareykanka ay xiriirka diblumaasiyadeed u gaabisay dowladda Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dowlada Mareykanka ay mushaaraadka ka jartay ciidamada dowlada iyo qaar kamid ah Taliyayaasha Hay’adaha amaanka iyo sirdoonka oo ay mushaar siin jirtay waxaana lasoo warinayaa in arrintaani ay sabab u tahay amar diido uu sameeyay Xasan Sheekh.

Dib u bilaabida mushaaraadka ayey sabab ka dhigtay Dowlada Mareykanka in Xasan Sheekh uu ka jawaab bixiyo amar diidada iyo in waxkabedel uu ku sameeyo Hay’adaha amaanka oo aan wali la cayimin.

Sidoo kale, waxaa meesha ka baxay wada hadaladii badnaa ee u dhexeeyay diblumaasiyiinta Dowlada mareykanka ka joogay Somalia, waxaana jira warar sheegaya in dib ay ula laabteen dhaqaale lagu meel-marin lahaa howlaha doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadal wararka la xiriira xogtaani muujineysa hoos u dhaca ballaaran ee ku imaaday xiriirka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com