28 C
Mogadishu
Thursday, April 16, 2026

Xog: Maamul goboleedyada oo la wareegay awooddii BF iyo DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo kamid ah BFS, ayaa sheegay in Baarlamaanka uu galay gacanta maamulada dalka waxa uuna sheegay in gabi ahaan laga faramaroojiyay awooda.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, waxa uu sheegay in Xildhibaanada BFS ay yihiin kuwo magaca un wata balse awoodii ay afganbiyeen Hogaamiyayaasha Gobolada dalka.

Wax uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in awoodii BFS, si xeyladeysan ugu shaqeeyaan Hogaamiyayaasha Gobolada, waxa uuna walaac ka muujiyay sida ay wax u socdaan iyo sida sharciga uu yahay.

“Aniga ma fahmin sida ay wax u socdaan, waayo Hogaamiyayaasha madasha waxa ay ku tagrifaleen sharciga, Hogaanka Qaranka waxaan u garaneynaa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Baarlamaanka wixii intaa kasoo hara waxaan u garaneynaa awooda hoose ee aan ku dhaqaaqista laheyn”

Waxa uu sheegay in Hogaamiyayaasha qaar ay isku diyaarinayaan inay qabtaan xilka iyo tallada Madaxtooyada marka aan eegno sida ay wax u wadaan Hogaamiyayaasha madasha.

“Waan sugeynaa in dhawaan ay qabtaan talada Madaxtooyada waayo waxaa ii muuqata inay wadaan awood dheeri ah oo aan sharciga waafaqsaneyn”

Haddalka Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Hogaamiyayaasha madasha ay go’aan mowqif leh ku hirgaliyeen rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News