Xog: Maamulka Hiiraan oo dagaal dhexdooda ah qarka u saaran

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Xarunta maamulka Hiiraan ayaa sheegaya in madaxda maamulka ay madaxda isugu jiraan kadib markii uu khilaaf ka dhashay xilalka maamulka.

Khilaafka ayaa waxa uu ka taagan yahay xilka Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka, waxaana xilkaasi sheegtay mas’uul lagu magacaabo Axmed Cismaan Cabdalla Inji.

Shaqsigaani xilka sheegtay ee lagu magacaabo Axmed Cismaan Cabdalla Inji ayaa horay uga tirsanaa Maamulkii hore ee Dooxada Shabelle, waxa uuna iminka sheegay inuu yahay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka, ayaa waxaa ahaa Maxamed Ibraahin C/llaahi, hayeeshee waxaa iminka xilkaasi sheegtay shaqsiga kale ee kor ku xusan.

Khilaafkaani ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa deegaanada maamulka, waxaana laga cabsi qabaa in inta uu socdo khilaafka halkaasi uu ka dhaco iska horimaad.

Dhanka kale, maamulka Hiiraan ayaan wali ka hadal Khilaafka ka dhex aloolsan Mas’uuliyiinta kala ah Maxamed Ibraahin C/llaahi iyo Axmed Cismaan Cabdalla Inji.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com